Qahira,(insidesomalia.org)-Wararka ka imaanaya Magaalada Qaaghira ayaa sheegaya in xalay uu halkaasi gaaray wafdi balaran oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta SoomaaliyaSheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sheekha iyo Wafdigiisa ayaa ka soo duulay dalka Jabuuti , iyadoo lagu wado inay kulamo la qaataan masuuliyiinta wadanka Masar qaarkood saacadaha soo socda, Jaamacada Carabta iyo diblumaasiyiinta ku sugan Magaalada Qaahira.
Wafdiga Sheekh Shariif uun horkacayo ayaa wararku sheegayaan inay dhowr maalmood ay ku sugnaan doonaan,iyadoo kulamada ay la yeelan doonaan madaxda wadanka Masar iyo Jaamacada Carabta kuwaasi oo ay kala hadli doonaan amuuraha Soomaaliya gaar ahaan dib u heshiisiinta, amaanka iyo xaaladaha dhanka biniaadamtinimada.
Dhanka kale Sheekh Shariif Sheekh Axmad iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay kulamo halkaasi kula yeeshaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku sugan, iyagoo u sharxi doona halka ay marayso dib u heshiisiinta Soomaaliya.